Booliska Boosaaso oo mushaar la'aan ka cabanaya

Ciidanka booliska maamulka Puntland ayaa maanta carqaladeyn ka sameeyay magaalada Boosaaso. Waxaa saamayn ku yeeshay arrintaas gaadiidka.

Waxaa ciidanka hakad ay galiyeen isku socodka gaadiidka magaalada Boosaaso, taasoo ay ku muujinayaan cabashadooda.

Waxaa la maqlayay rasaas kor ay u ridayeen ciidanka. Waxaa gaadiidka laga horistaagay in ay si caadi ah u shaqeeyaan. Waxaa isbedel dhinaca ammaanka ah ku yimid xaaladda magaalada Boosaaso.

Ciidanka ayaa dhawr jeer u sheegay in wax laga qabto mushaar la’aanta soo wajahday, ugu dambayna maanta ayaa waxaa ay sameeyeen fal ay ku muujinayaan cabashadooda ka dib markii wax laga qaban waayay.

Saraakiisha ciidanka ayaa waxaa ay sheegayeen in wax laga qaban doono oo la xalinayo mushaar la’aanta soo wajahday booliska, balse laguma guulaysanin ilaa uu adkaysa waayay booliska.

Tan ayaa ku qasbi doonta saraakiisha inay si degdeg ah ugu dhaqaaqaan in mushaarkooda dib loogu bilaabo ciidanka booliska ee magaalada Boosaaso, dibna xasiloonida loogu soo celiyo.

Wariyaha Faafiye.com,
Baazi Osman – Muqdisho


Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post