Dilal fool xun oo ka dhacay Kismaayo



Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda KMG ayaa si kulul uga hadlay dilal uu sheegay in Al-Shabaab ay ka geesteen duleedka magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Maxammad Cumar Geedi ayaa wuxuu sheegay in si aad u fool xun loogu dilay halkaas afar qof rayid ah, taas oo uu ku eedeeyay in ay ka dambayso Al-Shabaab.

Ma jiro war wali soo baxay oo ka waramaya arrintan; balse xildhibaanka ayaa sheegay in dadka la dilay ay yihiin dad reer miyi oo xoolo dhaqato ah.

Sababta ayaa wuxuu sheegay in ay tahay oo kaliya iyagoo difaacanayay xoolahooda taasna ay u keentay in si xool xun loo dilo. Dilalkan ayuu sheegay inay ka dhaceen saaka iyo xalay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose.

Xildhibaan Maxammad Cumar ayaa cadeeyay dhacdadaas inay tahay musiibo, wuxuuna ugu baaqay bulshada ku dhaqan halkaas in isku duubni ay muujiyaan.

Xildhibaanka oo qiiro laga dareemayay hadaladiisa, wuxuu digniin u jeediyay Al-Shabaab in ay ka waantoobaan. Wuxuu tilmaamay in aan meesha looga hari doonin musiibada ka dhacday duleedka Kismaayo.

Isagoo si faahfaahinayay sida ay wax u dhaceen, wuxuu sheegay in dadkaas la dilay gaari lagu xiray oo magaalada lagu jiijiidayay sidaasna ay u dhinteen.

Wariyaha Faafiye.com,
Baazi Osman — Muqdisho


Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post