Sh. Shariif oo iska difaacay eedii Kenya

Madaxweynihii hore ee dowladdii ku meel gaarka, Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay eedeyntii kululeyd ee uga timid xukuumadda Kenya.

Shir jaraa’id maanta uu ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuu Sh. Shariif ku tilmaamay eedeyntaas inay tahay gaf aan ku habooneen in uu ka dhaco qof mas’uul ah.

Xukuumadda Kenya ayaa ku eedeysay Sh. Shariif in uu mas’uul ka ahaa weerarkii ismiidaaminta ee todobaadkii hore lala eegtay hotelka la dajiyay M/weynaha la doortay ee dowladda cusub.

Waxaa uu weerarkaas dhacay iyadoo uu ku sugnaa hotelka gudahiis M/weynaha dowladda cusub Xasan Sheekh, saraakiil kale iyo waliba wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya.

“Waa nasiib darro waana bar madow oo ay samaysay Kenya,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ku celinayay Kenya eedeynta ay soo jeedisay.

“Kenya, waxay waday dhaq aniga iga soo horjeeday,” ayuu hadalkiis ku sii daray Sh. Shariif. “Waxaan arrintaas uga dacwooday beesha caalamka si wax looga qabto.”

Waxaa la ogyahay in mar xiriir dhaw ay lahaayeen Shariif Sheekh Axmed iyo xukuumadda Kenya.

Kenya waxaa shaki ay ka muujisay Sh. Shariif dareenkiisa sida uu ahaa markii uu tagay hotelka Jazeera waxyar ka dib markii weerarka uu dhacay. Waxaa arrintaas ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya — oo isaga goobjoog ahaa markii weerarka uu dhacayay.

Sh. Shariif ayaa sheegay in wasiirkaas uusan garanaynin isaga (Sh. Shariif) dareenkiisa farxadeed iyo waliba mida murugo intaba.

Wariyaha Faafiye.com,
Jadmaani — Muqdisho

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post