Labo qof oo lagu dilay Muqdisho

Labo qof ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho maanta, iyadoo beryahan ay soo kordhayaan dilal iyo weeraro.

Dilalka labada qof ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Labada qof la dilay waxaa ay ahaayeen wiilal dhalinyaro ah oo wada socday, waxaana ka dambeeyay dilkooda koox hubaysan, dad goobjoogayaal ah ayaa sidaas xaqiijiyay.

Xalay ayaa gudaha magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka ee dowladda cusub. Waxaa ka horeeyay weerar ismiidaamin ah oo isla todobaadkaan gudahiis ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa kacsan beryahaan, waxaana ay dhacayaan falalkaan ka dhanka ah ammaanka iyadoo dowladda cusub ay howl bilawday.

Wariyaha Faafiye.com,
Jadmaani — Muqdisho

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post