Qaraxyo ka dhacay magaalada Nairobi

Ilaa Laba qarax ayaa caawa, fiidkii  ka dhacay magaalada Nairobi.

Qaraxyada ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan hal askari.Labada qarax waxay ka dhaceen meel u dhow xaafadda Easleight oo aan ka fogayn iskuul Axaddii la dhigto oo dhowaan qarax lagu weeraray uu ku dhintay wiil yar, qaar kalena ay ku dhaawacmeen Ma aha markii ugu horaysay ee qaraxyo lala bartilmaameedsado goobo ku yaalla magaalada Nairobi.

Dhowr jeer oo hore ayaa qaraxyo iyo weeraro kala duwan ay ka dhaceen.Waxay qaraxyadan ku soo beegmayaan iyadoo saaka afhayeen u hadlay ciidamada Kenya uu sheegay in maydka ilaa shan askari oo ay ka heleen xabaal ku taalla magaalada Kismaayo maanta loo soo duuliyay magaalada Nairobi.

Kenya ayaa bilowgii bishan qabsatay magaalada Kismaayo, iyadoo kaashanaysa ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo maleeshiyo.

Bishii October ee sanadkii hore ayay Kenya bilowday howlgalkan horaantii bishan ay ku qabsatay magaalada Kismaayo.

Al-Shabab ayaa iyaduna horay ugu hanjabtay in gudaha Kenya ay weeraro ka gaysan doonaan.

Hase yeeshee, wararka qaraxyadan wali waa isa soo tarayaan, ilaa haddana ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay, iyadoo ciidamada amniga gudaha Kenyana ay ku howlan yihiin baaritaanno ay ku ogaanayaan waxa dhab ahaan dhacay.        

Mahat Mohamed

    

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post