Gal-Mudug oo u dhaartay jidgooyooyinka


 

Maamulka Gal-Mudug ayaa si kulul uga hadlay jidgooyooyinka wuxuuna balan ku qaaday in uu baab’inayo.

Wasiirka warfaafinta ee maamul gobaleedka Gal-Mudug, Axmed Baasto ayaa wuxuu sheegay in aan loo sii dul qaadan doonin isbaarooyinka hadda yaala dulaadka magaalada Gaalkacyo, wuxuuna muujiyay in la gaaray waqtigii la ciribtiri lahaa jidgooyooyinkaas.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in uu baaqday weerar la damacsanaa in lagu qaado kooxaha burcada ah ee isbaarooyinkaas ay u yaalaan, wuxuuna intaa ku daray weerarkaas in uu u baaqday sababo jira aawadood.

Maamulka wuxuu sheegay hadda in uu u soo jeestay sidii wax looga qaban lahaa isbaarooyinka oo dhibaato fara badan ku haya bulshada wuxuuna cadeeyay in aan marnaba laga sii aamusi doonin.

Wuxuu kaloo sheegay wasiirka warfaafinta ee Gal-Mudug go’aanka uu gaaray maamulka in ay ku raacsan yihiin shacabka gacana ay ku siinayaan.

Wariyaha Faafiye.com,
Jadmaani — Muqdisho

 

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post