Dagaal ka dhacay Puntland.


Ciidammada-Puntland

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidankoodu ay xalay dileen saddex ka tirsan al-Shabaab, shan kalena ay dhaawaceen kaddib markii weerar lagu soo qaaday.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir  ayaa sheegay in ciidankooda weerar lagu soo qaaday meel 40KM u jirta magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay in hal askari dhinacooda uu uga dhintay dagaalkaasi.
Ciidamada Puntland ayaa intii muddo ah dagaal kula jiray wax ay ugu yeeraan argagaxiso buuraha Galgala.


Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post