Home.Warka

Madaxweynaha oo dhowr bilood u qabtay Al-Shabaab.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Xasan sheikh maxamuud

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowrka bilood ee soo aaddan lagu soo afjarayo gacan ku-haynta Al-Shabaab ee deegaanno ka tirsan gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in awooddii maleeshiyadu ay hadda noqotay mid gabagabo ah, degdegna loo fulinayo howlgallo milatari oo looga sifaynayo dalka.

Xasan Sheekh wuxuu xusay in ay maleeshiyadu maalmihii la soo dhaafay geysatay falal amni-darro oo ay ku qalqal-galinaysay dadweynaha, kuwaas oo uu ku tilmaamay dhaq-dhaqaaqyadeedii ugu dambeeyay.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayuu ka codsaday inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka looga ciribtiri lahaa Al-Shabaab oo caqabad ku ah nabadda iyo horumarka dalka.

Guddiga amniga qaranka iyo saraakiisha AMISOM ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *