Home.Warka

Raysul wasaaraha Soomaaliya oo tagay Nairobi.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay galabta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wafdiga raysul wasaaraha waxaa qeyb ka ah wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in imaanshahooda Nairobi uu qeyb ka yahay safar ay ku soo kala bixinayeen dalalka deriska.
 
Wuxuu sheegay in booqashada dalalka deriska ee ciidamada ay ka jooga Soomaaliya ay ka mid tahay qorshaha xukuumadda cusub.

Raysul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda dalka Kenya, oo uu kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo xiriirka labada dal.

Sidoo kale raysul wasaare Cabdiweli ayaa lagu wadaa inuu caawa la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Kenya.

Raysul wasaaraha ayaa horay u booqday dalalka Itoobiya iyo Jibuuti.

photoRaysul wasaaraha xukuumadda federaalka 2

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *