Somaliland oo qabatay markab kalluumeysi oo Masar laga leeyahay.

Ciidanka-badda-Somaliland

Ciidanka badda ee maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay markab kalluumaysi oo la sheegay in laga leeyahay dalka Masar, kaas oo lagu eedeeyay inuu si sharci-darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Soomaaliya.

Cabduqaadir Aadan Yuusuf oo ah sarkaal ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegay in markabka oo ay saaran yihiin 25 qof oo shaqaale ah laga qabtay xeebta degmada Seylac.

Sarkaalku ma caddayn jinsiyadda shaqaalaha la socda markabka ay qabteen.

Maamulka Somaliland ayaa horay gacanta ugu dhigay doonyo si sharci-darro ah uga kalluumaysanayay biyaha Soomaaliya, kuwaas oo la sii daayay kaddib markii uu maamulku ka qaaday lacag ganaax ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post