Wafdigii raysul wasaaraha oo u ambabaxay Kampala.

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka.jpg1

Wafdiga uu hoggaaminayo raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa caawa fiidkii u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo ay weheliyaan wasiirrada arrimaha dibadda, maaliyadda, warfaafinta, gaadiidka cirka iyo dhulka iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi ayaa booqday safaaraddii hore ee Soomaaliya oo dhismo uu ku socdo, ka hor intii aysan ka amababixin garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Waxaa lagu wadaa in uu raysul wasaaraha magaalada Kampala kula kulmo madaxda dalka Uganda, isagoo kala hadli doona arrimaha ammaanka iyo xiriirka labada dal.

Booqashadiisa dalka Uganda ayaa noqoneysa tii afaraad oo uu ku tago dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isagoo horey u booqday dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post