Home.Warka

Duq cusub oo magaalada Gaalkacyo loo doortay.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Bile-Diini-342x256

Golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa maanta Bile Diini Cali u doortay inuu duqa magaalada Gaalkacyo.

Xilka waxaa u tartamay Bile Diini Cali iyo Saciid Salaad Cilmi (Bulbul), waxaana madashada doorashada soo xaadiray 33 xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka.

Bile Diini Cali wuxuu helay 18 cod, halka uu 13 cod helay Saciid Bulbul, waxaana xumaatay 3 cod, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada, Macallin Muuse Cali Salaad oo ku dhawaaqay natiijada.

Bulbul ayaa sheegay inuu ku qancay natiijada, wuxuuna ka codsaday taageereyaashiisa inay la shaqeeyaan duqa la doortay ee Gaalkacyo, oo dhinaciisa sheegay inuu gudan doono xilka loo doortay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo goobjoog ka ahaa doorashada ayaa ku tilmaamay inay astaan u tahay guul uu gaaray maamulkiisa, wuxuuna codsaday in lala shaqeeyo Bile Diini Cali.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *