Home.Warka

Madaxweyne Xasan oo la kulmay xildhibaan British ah.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Madaxweyne Xasan oo la kulmay xildhibaan British ah

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay xildhibaan Tony Baldry oo katirsan baarlamaanka Ingiriiska iyo danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

Kulanka oo ka dhacay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayay mas’uuliyiintu uga wada-hadleen sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay dowladda Ingiriisku siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib.

Arrimaha ammaanka, gargaarka bani’aadannimo iyo dib-u-dhiska ayuu sheegay madaxweynuhu inay ka wada-hadleen xildhibaanka iyo danjiraha,  ayna isku afgarteen dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya London Cabdullaahi Sambalooshe ayaa goobjoog ka ahaa kulanka.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *