Al-Shabaab oo weerartay madaxtooyada Soomaaliya .

20140221-071212.jpg

Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay maanta xilligii salaadda khudbada weerar ku qaadday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aan la xaqiijin inta uu dhan yahay ayaa ka dhashay weerarka, sida ay ku soo warramayaan weriyeyaasha.

Waxaa la arkayay meydadka maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo yaalla gudaha xarunta madaxtooyada.

Al-Shabaab ayaa xarunta madaxtooyada ka soo gashay albaab xiga dhanka degmada Boodheere, oo ay ku dhufteen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaddibna rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta, kuwaas oo rasaas furay, waxaana iska caabbiyay ciidamada AMISOM iyo ciidanka dowladda ee ilaalada ka ah xarunta madaxtooyada.
Wasiirka amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa xaqiijiyay in maleeshiyadii weerarka soo qaaday qaarkood la dilay, qaarna gacanta lagu dhigay, isagoo xusay inuu weerarkaas fashilmay.
Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa barta Twitter ku soo wadaagay qoraal uu ku sheegayo inuu la soo xiriiray madaxweynaha Soomaaliya oo u xaqiijiyay inaysan waxba gaarin. Danjiraha wuxuu weerarka madaxtooyada ku tilmaamay mid guul-darreystay, wuuna cambaareeyay.
Bogga madaxtooyada Soomaaliya ay ku leedahay Twitter ayaa lagu soo qoray inay madaxtooyada uga mahadcelinayso ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida geesinnimada leh ee ay u caabbiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post