Home.Warka

Puntland oo kobcineysa dhaqaalaha gudaha.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Gaas

Puntland ayaa qorsheynaysa inay kobciso dhaqaalaha gudaha, si kor loogu qaado adeegyada bulshada, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda ee maamulka, Shire Xaaji Faarax.

Wasiirka maaliyadda Puntland oo maanta qeyb ka ahaa wafdi wasiirro ah oo booqday dekedda Boosaaso ayaa sheegay in maamulka uu soo rogayo canshuurta barriga, si dhaqaalaha sare loogu qaado.

Mudane Shire Xaaji oo uu socdaalka ku wehliyay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee maamulka Puntland, Maxamuud Xasan Soo-cadde ayaa la kulmay madaxda dekedda Boosaaso, waxayna kala hadleen dardar-galinta howlaha dekedda.

Agaasimaha waaxda dakhliga ee dekedda Boosaaso, Cismaan Buux Cali ayaa sheegay in booqashada wafdiga ay ahmiyad u leedahay fulinta howlaha dekedda.

Buux ayaa sheegay in 71% dhaqaalaha Puntland uu ka yimaado dekedda Boosaaso, sidaa darteedna loo baahan yahay wada-shaqayn iyo kormeer joogto ah oo ay ka helaan madaxda wasaaradda.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *