Xafiiska Madaxweynaha Ukrain oo cidlo ah.

Viktor Yanukovych

Madaxweynaha Ukrain, Viktor Yanukovych ayaa sheegay inuusan iscasilayn. Isagoo ka hadlaya telefishin magaalada Kharkiv, Mr Yanukovych ayaa talaabada uu baarlamaanka qaaday inay tahay boob iyo in la rido dowladda.

Wuxuu is barbar dhigay xaalada siyaasada Ukrain xisbigiii Naziga ee Jarmalka jiray kun sagaal boqol soddomeeyadii. Wuxuu sheegay in baabuurkiisii la weeraray laakiin uusan cabsoonayn.

Waqti dhow ayaa baarlamaanka Ukrain uu codeeyay in madaxwenaha la cayriyo. Waxay kaloo dajiyeen taariikhda la qabanayo doorashada madaxweynenimada inay tahay labaatan iyo shanta May.

Madaxweyne Yanukovych ayaa sheegay in baarlamaanka uu sharciga jabiyay markuu magacaabay afhayeen cusub iyo ka sii daynta xabsiga Ra’iisalwasaaradii hore Yulia Tymoshenko.

In ka yar labaatan iyo afar saacadood kadib, ayaa heshiiska Madaxweynaha Ukrain Viktor Yanukovych iyo mucaaradka oo loogu tala galay in lagu dhameeyo dhibaatooyinka siyaasadeed ayaa mucaaradka la wareegeen albaabka guriga Madaxweynaha.

Wariyaha BBC ayaa tagay banaanka guriga Madaxweynaha wuxuuna sheegay in dhismaha uu u egyahay cidlo.

Dadka mucaaradka ayaa wali jooga banaanbaxyo ay ku samaynayaan fagaaraha madaxbanaanida.

Horaantii, hogaamiyaha mucaaradka Vitaly Klitschko, ayaa u sheegay dadka banaanbaxaya inuu waydiisanayo baarlamaanka go’aan lagu baaqayo madaxweynaha inuu is casilo.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post