Sheekh Cali Jabal oo sheegay in ay dileen Diblomaasiyiin u dhashay dalalka Jabuuti & Uganda.

Sheekh Cali Jabal

Waaliga Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab, ayaa maanta sheegay in ay dileen diblomaasiyiin ay dhalashadoodu tahay dalalka Jabuuti iyo Uganda.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa waxa uu ka hadlay hawlgalkii qorsheysnaa ee ay ku galeen Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, wuxuuna xaqiijiyay in laba nin oo Uganda u dhashay ay ku dileen, sidoo kalana nin u dhashay Jabuuti ay isna ku dileen.

Raggaan, ayuu tibaaxay in ay ka hawlgalayeen Safaaradaha Dowladaha Jabuuti iyo Uganda, ay ku lee yihiin Magaalada Muqdisho, lana dilay xilli ay ku sugnaayeen sida uu yiri Villa Somalia.

Wuxuu sheegay in khasaaruhu aanu intaa oo kaliya ku ekayn, wuxuuna yiri “Ragga kale ee dhintay 16 kamid ah waxay u dhasheen Uganda ,17 kamid ah waxay ahaayeen Ilaalada Madaxtooyada, 12 kamid ah dadka dhintay waxay yihiin Ciidamo gurmad ku yimid.” 

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post