Xumad: Weerarkii shalay ma hakinayo howgallada ka dhanka ah Shabaab.

Afhayeenka_AMISOM

Afhayeenka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Koroneyl Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in weerarkii shalay lugu qaaday madaxtooyada Soomaaliya uusan hakad galin doonin howlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyada al-Shabaab.

Afhayeenka oo maanta u warramay Bar-kulan ayaa sheegay inay ka xun yihiin weerarkii shalay oo uu sheegay mid laga dhaxlay feejignaan iyo dedaal ay ku midaysan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wuxuu tilmaamay inay jiri doonaan wada-tashiyo iyo howlgallo ay deg-deg u wada-billaabayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, si loo baacsado al-Shabaab, meelaha ay joogaanna looga daba-tago.
Korneyl Xummad ayaa intaas ku daray inuu hubo in howlgallada lugu tir-tirayo al-Shabaab ay guulaysan doonaan, wuxuuna dadweynaha Soomaaliyeed uu ka codsaday inay muujiyaan xasillooni iyo wada-shaqayn ay la yeeshaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Share this post

Post Comment