Home.Warka

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho .

Like Tweet Pin it Share Share Email

Toban qof Ayala inta la og yahay ku dhimatay qarax loo adeegsaday gaari lagu soo xiray walxo qarxa oo maanta ka dhacay maqaayad shaaha lagu iibiyo oo u dhow xarunta Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Soomaaliya oo lagu magacaabo Colonel Cabduqaadir Xuseen ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka nabad-sugidda oo fadhiyay maqaayadda, isagoo xaqiijiyay in dadka dhintay ay isugu jiraan askar iyo dad rayid ahaa.

Maqaayadda uu qaraxa ka dhacay waxaa soo gaaray burbur xooggan.
“Al-Shabaab waxay fulisay howlgal guuleystay oo lagu bar-tilmaameedsaday askar ku sugneyd maqaayad ku taalla Muqdisho” ayaa lagu soo qoray bog Twitter-ka ah oo lagu sameeyay magaca Al-Shabaab.

Waxaa jira dad ku dhaawacmay qaraxa oo la geeyay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho.
Gaariga qaraxa loo adeegsaday wuxuu bar-tilmaameedsaday gaari ay la socdeen ciidamada ammaanka oo ag marayay maqaayadda.
Guddoomiyaha degmada Shangaani, Cali Abuukar (Cali Xamari) oo warbaahinta kula hadlay goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraray goob ay dad rayid ah ku qaxweynayeen.

Wuxuu tilmaamay in ciidanka dowladda oo gaaray goobta ay wadaan baaritaanno.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Bar-kulan ayaa qaraxa ku eedeeyay Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ay ku fashilmeen ujeedkii ay ka lahaayeen.
Weerar ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-Shabaab ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *