Liibiya oo badbaadisay tahriibeyaal Soomaali ah.

tahriibleey

Saraakiisha dowlada Liibiya ayaa sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha ee dalkaas in ay shalay badbaadiyeen 107 qof oo tahriibeyaal Soomaali ah, kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ku dhowaatay in ay gaddoonto.

Toddobo qof oo ka tirsaneyd muhaajiriinta Soomaalida ah ayaa geeriyooday markii lagu tuuray badda si looga hortago doonta in ay quusto.

Col. Ayuub Qaasim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada badda ee dalka Liibiya ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in tahriibeyaasha oo lagu arkay meel dhowr meyl u jirta xeebta magaalada Tripoli ay isugu jireen rag, dumar iyo carruur.

Muhaajiriinta Soomaalida ah waxay doonta  ka raaceen xeebaha dalka Liibiya, waxayna ku sii jeedeen qaaradda Yurub.

Badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ku dhintay tahriibeyaal  badan oo Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallo iyo nolol-xumo ka jirta dalkooda.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post