Macallimiinta Soomaaliyeed oo loo codsaday mushaar ku filan.

Macallimiinta Soomaaliyeed oo loo codsaday mushaar ku filan

Ururka Midowga Macallimiinta Soomaaliyeed ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay ka qayb qaadato sidii ay macallimiintu u heli lahaayeen mushaar ku filan, si loo daboolo baahidooda gaarka ah.

Guddoomiyaha ururka, Cali Sheekh Cabdi oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in macallimiinta Soomaaliyeed oo heegan u ah kor u qaadidda aqoonta bulshada iyo nabadgelyada aysan helin mushaar ku filan.

Dadweynaha Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ayuu ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii ay macallimiintu u heli lahaayeen mushaar dabooli kara baahidooda.

Midowga Macallimiinta Soomaaliyeed ayaa la aas-aasay 12-kii July, 2005, waxayna howshiisu tahay ilaalinta xuquuqda macallinka iyo ardayga Soomaaliyeed, sida uu sheegay Cali Sheekh Cabdi.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post