Turkiga oo ka caawinaya Soomaaliya dhismaha xeryaha ciidanka.

ciidanka soomaliya turkey

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ay Soomaaliya ka caawineyso dhismaha xeryo casri ah oo lagu tababaro ciidanka.

Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif ayaa tilmaamay in dowladda Tukriga ay sidoo kale gacan ka gaysan doonto dayactir lagu sameeyo xeryihii hore ee ciidanka Soomaaliya iyo dib u dhisidda ciidankii Kumaandooska ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in macallimiin Turkiga ka socota ay sidoo kale gudaha dalka tababarro ku siin doonaan askarta dowladda Soomaaliya.

Wasaaradaha gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay u kala saxiixday heshiis dhinaca milateriga ah, iyadoo sidoo kalena taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya uu shalay heshiis kaas lagu xoojinayo la saxiixday saraakiil ka socotay Turkiga oo gaartay Muqdisho.

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid isbeddel weyn ku soo kordhin doona awoodda iyo tayada ciidamada.

Share this post

Post Comment