Shabaab oo Rabdhuure laga qabsaday.

140304143424_amisom_512x288_bbc_nocredit

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmada Rabdhuure.

Dadka dagan Rabdhuure – oo ka tirsan gobalka Bakool ayaa sheegay – in uu jiray dagaal culus, kaas oo ugu yaraan ay ku dhinteen 12-ruux.

Xarunta Bakool

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa hadda lagu soo waramayaa in ay ku sii jeedaan xarunta Gobolka Bakool ee Xudur, taas oo ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.

Weriyaha BBC-da ee Soomaaliya ayaa sheegaya in tan ay tahay billawga weerar cusub oo horey loogu dhawaaqay oo looga soo horjeedo ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post