Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay Waajid.

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta la wareegay gacan-ku-heynta degmada Waajid ee gobalka Bakool, sida uu  xaqiijiyay maamulka degmada.

Guddoomiyaha degmada Waajid Cabdullaahi Yariisow ayaa sheegay in iska hor-imaad kooban uu degmada ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo al-Shabaab, isagoo xusay inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Wuxuu tilmaamay inaysan ka war-heynin halka ay u baxsatay maleeshiyada al-Shabaab ee ku sugneyd degmada.
Cabdullaahi Yariisow ayaa intaas ku daray in qaar ka tirsan dadka degmada ay soo dhoweeyeen ciidamada dowladda iyo ciidamada AMISOM.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan-ku-heynta degmada Xuddur ee xarunta u ah gobolka Bakool.

Share this post

Post Comment