Diyaarad Malaysia Airlines, ayaa wali la' yahay.

Malaysia-Airlines5

Saraakiisha dalka Vietnam ayaa sheegay in laba meel oo ballaaran oo shidaal ku qabtay lagu arkay meel ka baxsan badda dhinaca xeebta koonfureed ee dalka, iyadoo wali la wado baadi-goobka diyaaradda shirkadda Malaysia Airlines oo ilaa horaantii maalintii Sabtida la la’yahay.

Halka saliidda lagu arkay ayaa ah inta u dhaxay shan iyo toban ilaa labaatan kilomitir oo dherer ah, balse ma jirto wax cadaynaya in saliidda ay diyaaradda ka daadatay.

 

Diyaarado iyo maraakiib ka socota dalal dhowr ah ayaa baadi-goob ka wada ilaa kala bar meel u dhaxaysa Vietnam iyo Malaysia.

Iyadoo Habeen la gaaray ayaan wali la helin wax burbur ah.

Diyaaradda la la;yahay oo ah nooca Boeing 777 waxaa saarnaa laba boqol iyo sodon iyo sagaal rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda.

Saraakiisha shirkadda Malaysia Airlines ayaa sheegay in aan wax qaylo dhaan ah laga helin diyaaradda la la’yahay.

Wasiirka gaadiidka dalka Malaysia ayaa sheegay in warar hore oo laga helay Vietnam oo sheegayay in diyaaraddu meel xeebteeda ka baxsan ay ku burburtay aan la xaqiijinin.

Diyaaradda ayaa isgaarsiinta iyo xiriirkii aaladda raadaarka lumisay laba saac markii ay sii safraysay.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post