Home.Warka

Maalinta haweenka oo laga xusay meelo kala duwan.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Xuska-maalinta-haweenka_1

Xaflado lagu xusayay maalinta haweenka ayaa maantay lagu qabtay magaalooyinka iyo deegaanno kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya.

Muqdisho

Munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo uu qaban-qaabiyay ururka cilmi-baarista haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb-galay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo rag iyo haween isugu jiray, xildhibaanno hore iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah.

Xafladda ayaa looga hadlay wax qabadka haweenka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay uga jiraan siyaasadda iyo horumarka dalka.

Ka qeyb-galeyaashii qudbadaha ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray haweenka Soomaaliyeed.

Gaalkacyo

Xaflad taas la mid ah ayaa maanta lagu kala qabtay koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Maxamuud Xasan (Baasto) oo ka qeyb-galay  munaasabad lagu qabtay koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in haweenka Galmudug ay door muhiim ah ka qaateen dhismaha maamulka iyo horumarinta deegaanka.

Munaasabad kale oo lagu qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa iyaduna looga hadlay kaalinta haweenka Soomaaliya ay uga jiraan siyaasadda dalka, iyadoo ka qeyb-galeyaasha ay ku baaqeen joojinta gudniinka fircooniga ah.

Boosaaso

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta bulshada ee Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay xaflad lagu weyneynayay maalinta caalamiga ah ee haweenka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay ururrada haweenka gobolka Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso.

Isku duwaha wasaaradda haweenka Puntland ee gobolka Bari Ayaan Muuse Nuur oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qaateen qarannimada dalka, iyadoo sheegtay in ay haweenka u taagan yihiin inay sii laba jibbaaraan dedaallada ay ka wadaan dalka.

Buuhoodle

Xafiiska wasaaradda haweenka Puntland ee Ceyn ayaa qabatay munaasabad lagu xusayay maalinta Haweenka oo ka dhacday degmada Buuhoodle ee gobalka Sanaag.

Waxaa munaasabadda ka qeyb-galay abwaano, dhallinyaro, haween iyo qeybaha kale ee bulshada, waxayna ka qeyb-galeyaasha badankood ka hadleen kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshooyinka caalamka.

Guddoomiyaha Ceyn ee maamulka Puntland, Axmed Aadan Carab oo ka qeyb-galay munaasabadda ayaa hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *