AMISOM: Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuu billowday.

Annadif

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay billowdeen howlgallo ay wadajir u fulinayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo  kooxda Al-Shabaab loogala wareegay magalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

War-saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM  dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Rabdhuurre, Yeed,  Xudur, Waajid iyo Buurdhuubo iyo deegaanno kale.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif  ayaa u mahadceliyey shacabka Soomaalida ee ku nool magaalooyinka laga qabsaday maleeshiyada, kuwaas oo iskaashi iyo taageeraba  u muujiyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Danjire Annadif ayaa ugu baaqay mar kale dhallinyarada ka tirsan Al-Shabaab in ay hubka dhigaan, kuna soo biiraan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay maamusho dowlada,  isagoona sheegay in la soo dhoweyn doono.

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhaq-dhaqaaqyo miletari oo ay ku doonayaan dib ula wareegista deegaannada ay Al-Shabaab ku sugan tahay ka wada gobollada ay wax ka joogaan maleeshiyada.

Xigasho Barkulan

Share this post

Post Comment