Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay Buurdhuubo.

image

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo, sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay Maxamed Daa’uud Cumar (Cod-weyne) oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada la wareegay degmada.

Ma jiro wax iska hor imaad ah oo ka dhacay halkaas, maaddaama ay maleeshiyada al-Shabaab banneeyeen degmada kaddib markii ay ka war heleen inay ku wajahan yihiin ciidamada dowladda iyo ciidmada AMISOM.

Cod-weyne ayaa xusay in meel 5 KM u jirta degmada ay ku dagaallameen ciidamada dowladda iyo maleeshiyada, mana uusan sheegin wax khasaare oo halkaas ka dhashay.

Wuxuu tilmaamay in shacabkii ku noolaa degmada ay isaga barakaceen, kaddib markii shabaabka ay sheegeen in ay ku dagaallami doonaan gacan ku heynta degmada.

Howlgalka AMISOM ayaa sheegay inay ballaariyeen howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada al-Shabaab ee ay ka wadaan deegaannada ay kaga sugan yihiin goballada Baay, Bakool iyo Gedo.

Share this post

Post Comment