Home.Warka

Gabadhii Dishay Ruqiya Siciid Oo Saaka Maxkamada La Hor-keenay.

Like Tweet Pin it Share Share Email

calanka-somaliland3

Maxkamada gobolka maroodi-jeex ayaa saaka la hor keenay gabadhii dhawaan magaalada Hargeysa ku dishay Ruqiya Siciid Ayaale, taas oo lagu magacaabo Muna.

Guud ahaan amaanka magaalada Hargeysa ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana la xidhay wadooyinka waaweyn ee soo gala Saldhiga Booliska oo laga qaadeyey gabadha falkan lo ohayo ee Muna.

Markii maxkmada la soo gaadhsiiyey ee cabaar la fadhiyey waxaa Muna dib loo siiyey 7 maalmood oo Rumaan ah, taas oo dacwadeeda dhagaysigeedu dib u furmi doono todobaad kadib.

Warar hoose ayaa sheegaya in fadhiga maanta ay goob joog ka ahaayeen taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo masuuliyiin kale.

Dadweynaha caasimada ayaa si weyn ugu dhag-taagayey  maxkamadaynta Muna oo loo hayo dilka Ruqiya Siciid Ayaanle

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *