Madaxweynaha oo ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirigeliyay maalgashiga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatey ganacasada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan, kaasi oo diiradda lagu saarayay horumarka ganacsi ee dalka ka jira.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya iyo ganacsato kala matalayey rugta ganacsiga Soomaaliyed iyo kan gobolka banadir.

Qaar ka tirsan ganacsatadii kulanka ka qeyb gashey ayaa madasha kusoo bandhigey aragtiyo iyo talooyin ganacsatadu kaga qeyb qadan karan dib u dhiska dalka, maalgeshiga iyo sidii dibg loo nooleyn lahaa ilaha dhaqaalaha ee dalka.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo kulanka hadalka jeediyey ayaa ka sheekeyyey qorshayaal ay ganacsatadu ku donayan in ay maalgeshi ku sameystaan gudaha dalka, isagoo intaa ku raday in ganacsatadu ay diyaar u yihiin kala shaqeynta dowladda arrimaha amniga iyo horumarka.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo isna kulanka ka hadlay ayaa daboolka qaaday in Xukuumaddu ay dhiiri gelineyso  dadaallada ay ganacsatadu dalkooda ku maalgashanayaan, isagoo ku booriyay ganacsatada inay bixiyaan  canshuuraha berriga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay fursadaha shaqo ee ay shirkadaha isgaarsiinta dalka soo bandhigayaan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid dhiiri gelineyso dhalinyarada wax baratay, waxaana uu intaa ku daray in mas’uuliyadda dowladdu ay tahay bixinta adeegyada guud ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, ganacsataduna ay noqdaan kuwa arrimahaasi ku tartama.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ugu jirto sidii loo dhiiri gelin lahaa horumarka ganacsi ee dalka ka jira, iyadoo kulankan uu sidoo kale qeyb ka yahay kulamadii uu Madaxweynuhu la qaadanayaya qeybaha kala duwan ee bulshada.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post