Madaxweynaha Zimbabwe Oo Arooska Inantiisa Ugu Deeqay $100,000 Dollar iyo 55 Sac.

1526838_10202480884316231_1897427843_n

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa gabadh uu dhalay u dhigay aroos soo jiitay indhaha caalamka, laguna kharash gareeyey lacag aad u tira badan.

Arooska Simba Chikore iyo Bona Mugabe waxaa lagu dhigay qasri aad u weyn oo uu leeyahay madaxweynaha dalka Zimbabwe ee gabadhiisa loo dabaal degay, waxaana ka soo qayb galay qaar ka mida madaxweynaha qaarada Africa, sida madaxweynaha Koonfur Afrika, madaxweynaha Equatorial Guinea iyo madaxweynaha Zambia.

Saxaafada dalka Zimbabwe ayaa siyaabo kala duwan uga faalootay arooska inantiisa, waxaanay daabaceen dhaqaalaha ku baxay arooska oo ay qaarkood ku sheegeen $ 100,000 oo doolar iyo 55 sac.

Warbaahinta dalka Zimbabwe ayaa kuwooda ugu afka dheeri waxay daabaceen in arooskaas ay ku baxday lacag dhan 5 Millayn oo, taas oo ay sheegee inay u dhigan tato lacagta lagu dhisay runway-ga garoonka Zimbabwe oo ah kan Africa ugu dheer.

Gabadha Mugabe 1 (2)

Gabadha Mugabe 1 (1)

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post