Munaasabad Lagu Taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Lagu Qabtay Nairobi “Sawirro”

Munaasabad Lagu Taageerayay Gudoomiyaha r

Munaasabad balaaran oo lagu taageerayo gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen ( Mungaab ) ayaa lagu qabtay xaafada islii ee magaalada Nairobi.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Gudiga jaaliyadda soomaalidda ee dalkani Kenya ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kala gadisan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, waxanay dhamaan mas’uuliyiintii goobta ka hadashay hambalyo u direen gudoomiyaha cusub iyo gudoomiyihii hore ee xilka ka degay.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay oo hadalo ka jeediyay xildhinaanka laga soo doorto County-ga Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi iyo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur(Americo).

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimey ayaa intii ay socotey waxaa khadka telefoonka kaga soo qeyb galay gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen ( Mungaab ) isagoo uga mahadceliyay jaaliyadda soomaalidda ee dalka Kenya taageeradda balaaran oo ay u muujiyeen.

Sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay Suugaan lagu amaanayo Guddoonka cusub ee gobolka banaadir iyo Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, waxaana munaasabadan ay ku soo gabo gabowday jawi farxad leh.

Munaasabad Lagu Taageerayay Gudoomiyaha

MG_2569

Share this post

Post Comment