Hindiya: 8 Jir Saaxiib Ka Dhigatay Masaska Loo Yaqaano Kubraha+Sawirro.

 image

Gabadh yar oo u dhalatay dalka Hindiya, isla markaana 8 jir ah, ayaa masaska kubraha ah ee aadka u halista badan ka dhigatay saaxiibbo ay la ciyaarto, kuwaas oo marar badan qaniinay, balse aan wax dhib ah ku keenin.

Mss. Kajar Khan waxay doonaysaa inay noqoto dadka masaska qabta sida aabbaheed, waxaanay wax la cuntaa, meelna la seexataa, maalinimada oo dhanna la ciyaartaa lixda mas ee waaweyn, iyadoo xataa dugsigay dhiganaysay uga joogtay jacayl ay u qabto masaskan.

“Magacaygu waa Kajol, waxaanan ahay siddeed jir. Waxaan ku noolahay magaalada Ghatapur ee dalka Hindiya, waxaanan la noolahay laba wiil oo aannu walaalo nahay, lix hablood oo walaalahay ah, hooyaday, aabbahay iyo lix mas oo nooca kubraha la yidhaa ah, kuwaas oo noqday saaxiibadayda ugu wanaagsan ee aan leeyahay,” ayey tidhi Kajol.

image

 

Share this post

Post Comment