Home.Warka

Keyd shidaal oo laga hirgeliyay dekedda Muqdisho.

Like Tweet Pin it Share Share Email

image

Ganacsato Soomaali ah ayaa dekedda magaalada Muqdisho ka hirgeliyay goob lagu keydinayo shidaalka oo ku taalla gudaha 

Ganacsato Soomaali ah ayaa dekedda magaalada Muqdisho ka hirgeliyay goob lagu keydinayo shidaalka oo ku taalla gudaha dekedda.

Maareeyaha dekedda Muqdisho Cabdullaahi Cali Nuur ayaa sheegay mashruucan uu suuragelinayo in laga maarmo in maraakiibta shidaalka keenta dekedda looga soo qaado booyado, isagoo xusay inay sidoo ka qeyb-qaadaneyso dhanka ammaanka.

Wasiirka wasaaradda dekedaha ee xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Baadiyow ayaa sheegay in mashruucan uu soo socday muddo labo sano ah, isagoo tilmaamay in faa’iido badan laga heli doono.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabadii lagu furayay mashruuca ayaa sheegay in arrintan ay tahay tallaabo horumar leh, isagoo u mahad celiyay ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelisay keydka.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaalida ee dibadda ugu baaqay inay maalgashi ku sameystaan dalka Soomaaliya.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *