Home.Warka

Maamulka Galgaduud oo billaabaya howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Like Tweet Pin it Share Share Email

image

Maamulka dowladda ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay dhowaan gobolka ka billaabanayaan howlgallo kooxda Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay uga sugan tahay gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in howlgalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gacan ka helaya maamulka iyo shacabka gobolka.

Cirfo ayaa kooxda Al-Shabaab kula taliyay inay ka waantoobaan dagaalka iyo dhibaatada ay wadeen muddada dheer, ayna isu soo dhiibaan dowladda.

Ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa dhowaan gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kuwaas oo sheegay inay ku wajahan yihiin deegaannada gobolka ee ay ku sugan tahay Al-Shabaab.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *