Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland oo Jabuuti u baxay.

Gaas-safar-Jabuuti

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ka hor inta uusan dhoofin ayaa sheegay inay booqashadoodu la xiriirto casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen madaxda dalka Jabuuti.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inay booqashadooda Jabuuti qaadan doonto afar maalmood, kaddibna uu ku noqon doono Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay dowladda Jabuuti doorka ay ka qaadaneyso dib u dhiska dalka iyo soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta.

Wuxuu sheegay inay Jabuuti ciidamo u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxda Al-Shabaab si Soomaaliya ay nabad u hesho.

Waa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Cabdiweli Gaas uu ku tegay dalka Jabuuti tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Puntland horraantii January ee sanadkan.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post