Al-Shabaab oo lagu weerari rabo gobolka Galgaduud.

image

Maamulka gobolka Galgaduud ayaa soo dhoweeyay weerarka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka billowday qeybo ka tirsan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Howlgalka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ka billowday gobollada Gedo, Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlu Sunna Wal-jamaaca ayaa lagu wadaa inay dhowaan weerar ku qaadaan deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud sida Ceelbuur iyo Ceelgaras oo ay ku sugan tahay kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe maamul loogu sameynayo deegaannada la xorrayn doono.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post