Home.Warka

CIA-da “oo Basaastay” Congress-ka.

Like Tweet Pin it Share Share Email

imageMadaxa guddiga dabagalka ee golaha sanet-ka Maraykan-ka ayaa Sirdoonka CIA-da ku eedeeyay inay jaajuuseen Aqalka Congress-ka.
Dianne Feinstein ayaa sheegtay in CIA-du ay si aan sax ahayn u baartay computerrada shaqaalaha Congress-ka, ee baarayay eedaymo ku saabsanaa jirdil la geystay xilligii maamulkii Bush.
Senator Feinstein ayaa sheegtay in laantan ay hor istaagtay baaritaanka oo ay joojiyeen shaqada.
Macluumaad lala baxay
Waxaa kale oo ay sheegtay inay la baxeen macluumaad ku jiray computerrada guddiga ay isticmaalayeen.
Agaasimaha laanta dabagalka Maraykanka ee CIA-da (John Brennan) ayaa sheegay inaysan run ku jirin hadalka Senator-ka.
Sarkaal hore oo ka tirsanaa CIA-da Robert Baer ayaa sheegaya inuu la yaabay eedaha ka soo yeeray Feinstein.
Robert Baer ayaa tilmaamay, inay tahay in madaxweyne Barack Obama uu soo dhexgalo eedaha halista ah ee loo soo jeediyay.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *