Duqa Muqdisho oo ballanqaaday horumarinta ammaanka caasimadda.

image

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in muddo kooban uu maamulkiisu ku sugayo amniga caasimadda.

Wuxuu tilmaamay inuu la imaanayo qorsheyaal ka duwan kuwii hore ee lagu sugayey amniga, bilaha ugu horreeya muddada uu hoggaaminayo maamulkana la dareemi doono is-beddel dhinaca nabadgelyada ah.
Duqa oo u warramayey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa intaas ku daray in xasilinta caasimadda loo marayo la tashiga iyo iskaashiga qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka
Muungaab ayaa ka codsaday dadweynaha Muqdisho inay gacan ka siiyaan maamulkiisa sidii caasimadda Soomaaliya ay u heli lahayd ammaan la isku hallayn karo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa difaacay in ciidamada dowladdu ay ka qeyb qaateen amni-darrada ku soo korortay Muqdisho.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post