Fanaanka Boqorka Codka oo Aas Qaran loogu sameynayo Muqdisho.

Tubeec

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cabdullaahi Colaad Rooble oo maanta kulan la qaatay fanaaniinta hobolalda Waaberi ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso sidii Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec loogu aasi lahaa Magaalada Muqdisho.

Wasiir Dhuxulow ayaa Shaaciyay in Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeyneyso geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec, waxaana uu intaa ku daray in la wado qorshe ah sidii dalka loogu aasi lahaa, isagoo tilmaamay in xukuumaddu ay guddi u saari doonto aaska Marxuumka si ay xiriiro kala duwan ula sameeyaan ehelada Marxuumka geeriyooday.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec oo muddo ku xanuunsanaa dalka Jarmalka ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Jarmalka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post