Bandow lagu soo rogay Beledweyne.

ciidamadanajeriyahawlgal1

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ayaa amar deg-deg ah oo bandow xilliyada habeenkii ah ku soo rogay degmada Beledweyne.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Sanbuur oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in bandow lagu soo rogay Beledweyne, kaas oo billaabanaya 7-da fiidnimo socnayana ilaa waaberiga.

Sanbuur ayaa sheegay in bandowga la saaray Beledweyne uu yahay sababo amni, si shacabka looga ilaaliyo in ay ku dhex dhuuntaan kooxaha argagaxisada.

Wuxuu xusay in qofkii lagu arko isaga oo dhex socda magaalada xilliga uu billowdo bandowga ama gaadiid ku dhex wato loo aqoonsan doono in uu ka soo horjeedo xasilloonida magaalada.

Sanbuur ayaa sheegay in ay gadaal ka soo sheegi doonaan xilliga la qaadi doono bandowga uu maamulku ku soo rogay magaalada Beledweyne.

Share this post

Post Comment