Ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika oo qabsaday Buuloburte.

Ciidanka-dowladda

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Midowga Afrika ayaa maanta oo Khamiis ah la wareegay gacan ku haynta degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan. 

Abaanduulaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, Kornayl Maxamed Aamiin ayaa u xaqiijiyay Bar-kulan inay ciidankooda la wareegeen degmada. 

Magaalada Buuloburte waxay ka mid ahayd magaalooyinka fara-ku-tiriska ah ee ay ku xoogganayd kooxda Al-Shabaab. 

Maxamed Amiin ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay kooxda Al-Shabaab ka saaraan goobaha ay uga sugan tahay gobolka Hiiraan. 

Ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa saaka si nabadgelyo ah kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Buq-aqable oo 90 km u jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Share this post

Post Comment