Dagaal culus oo ka socda Buulobarde.

Dagaal culus oo ka socda Buulobarde

Goobjoogayaal ku sugan Buulobarde ayaa sheegay in dagaal culus oo ka socda meel dibedda ka ah magaalada.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Maxamad Ibrahim Mucalimu ayaa sheegay in dadka degaanka ay u sheegeen in dagaalka uu yahay mid aad u culus.

Ciidammo wato hub culus ayaa la sheegayaa inay ka dhaqaaqeen magaalada Beledweyne oo ay ku sii socdaan dhanka Buulobarde.

Buulobarde ayaa ah magaalada ay ugu awoodda bdan yihiin Al-Shabaab bartamaha Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Maxamad Ibrahim Mucalimu oo la xiriiray dadka Buulobarde qaarkood ayaa sheegay in loo xaqiijiyay in dadka qaar ay ka qaxayaan magaalada.

Dhanka Galbeed

Dad ku sugan magaalada Beledweye ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa BBC u sheegay in ay arkeen ciidamada AMISOM oo labo qeyb ah oo weheliyaan kuwa dowladda in ay ku kala baxeen dhanka Galbeed iyo wadada laamiga ah ee isku xirta Beledweyne iyo Buuloburte.

Ciidmada dhanka Galbeed ku baxay ayaa la sheegayaa in ay 20Km u jiraan deegaanka Buqcaqable oo Shababku ka talinayeen

Boqolaal qosys ayaa ka qaxaya magaalada Buulobarde kuwaas oo saaka la rakayay iyaga oo gaadiid kala duwan u istcimaalaya si ay uga baxsadaan halkaasi maadaama ay ka cabsi qabaan in waxyeelo ay ka soo gaarto hadii iska horimaadyo culus ay dhacaan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa BBC u xaqiijiyay in ay saaka duulaan labo dhinac ah qaadeen si ay Alshabab uga saareen magaalooyinka ay weli ka taliyaan.

XIGASHO BBC.

Share this post

Post Comment