Isgaarsiinta Beled Weyne Oo Hawada Laga Saaray.

beledweyne1

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka Amison  iyo kuwa Jabuuti ay hawada ka saareen isgaarsiinta magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay saaka aroortii hore ay gudaha ugaleen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta iyagoona howlwadeenada ku amray in ay damiyaan khadadka isgaarsiinta gaar ahaan adeegga Mobile-ka.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa lasoo sheegayaa in ka socdaan hadda.

Ciidamada Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay duullaanno ku qaadayay degmooyin dhaca gobolada Gedo iyo Bakool.

Dhinaca kale ciidamada Melleteriga  Al-shabaab ee Galguduud ayaa iyana dhaq dhaqaaq ka sameeyay duleedka Beled Weyne waxaana lafilayaa in dagaallo ka dhacaan hareeraha magaaladaasi.

Sheekh Xasan Yacquub waaliga Galguduud ayaa xalay iclaamiyay xamlad dagaaleed ka dhan ah Xabashida ku sugan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post