Home.Warka

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay boqorka Japan.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Xasan-Sheekh-iyo-Akihita

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay boqorka dalka Japan, Akihito oo ay ka wada-hadleen xaaladda Soomaaliya iyo kaalinta ay Japan ka qaadato horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa boqorka Japan uga mahadceliyay sida dalkaas loogu soo dhoweeyay iyo taageerada ay Japan siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Akihito ayaa ballan-qaaday inay Japan dedaal xooggan ku bixin doonto sidii ay Soomaaliya uga hirgeli lahayd xasillooni buuxda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Japan gaaray Talaadadii la soo dhaafay, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo raysul wasaaraha dalkaas Shinzo Abe, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Japan ay dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd dhinacyada kalluumeysiga, horumarinta beeraha iyo tababarro la siiyo xirfadleyda Soomaalida 

Xasan-Sheekh-iyo-Akihita-1

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *