Obama oo taageeray dowladda Ukraine.

obama Ukraine

Dowladaha reer galbeedka ayaa sare u qaaday cadaadiska ay Ruushka ku saarayaan in aysan Ruushka ku darin gobolka Crimea ee Ukraine.

Madaxweyne Obama ayaa uga digay Ruushka inay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan haddii ay sii wadaan dadaalka ay ku doonayaan inay kula wareegaan gobolka Crimea.

Hadalkan ayuu Mr Obama ka jeedayay aqalka cad, kadib kullan uu laqaatay Ra’iisalwasaaraha KMG ka ah ee dalka Ukarine, Arseniy Yatsenyuk.

Ra’iisalwasaare Yatsenyuk ayaa sheegay in Ukraine aysan weligeed isdhiibi doonin.

Duullaan militeri

Dhanka kale, maamulka dalka Ukraine ayaa sheegayo in dalkaas uu waajahayo duullaan uu Ruushka kula wareegayo dalkaasi oo xuduudihiisa ay ciidan buuxdhaafiyeen.

Madaxa golaha difaaca iyo amniga qaran, Andriy Parubiy, ayaa sheegay in ciidamada Ruush-ka ay masaafo laba ama sadax saac ah u jiraan caasimadda, Kiev.

Wuxuu intaa ku daray inaysan kala bixin ciidamadii Ruush-ka ee bishii hore halkaasi dhaqdhaqaaqa ka sameeyay.

Parubiy ayaa dadka Ukraine ugu baaqay inay sameeyaan ilaalo cusub oo qaran.

Ruushka ayaa gudaha u soo galay Ukraine kaddib markii xukunka laga qaaday madaxweynihii u janjeeray dhanka Ruushka ee Viktor Yanukovych.

Share this post

Post Comment