Shiinaha si qalad ah ku sii daayay sawirro u muuqda burburka diyaaradii Malaysia .

diyaaradii Malaysia

Malaysia ayaa sheegtay in Shiinuhu si qalad ah ku sii daayay sawirro u muuqda burburka diyaaradda dhowrka maalmood la la’yahay.

Shiinaha waxaa uu soo bandhigay sawirro uu qaaday dayax gacmeed, kuwaasi oo badda dul sabaynaya isla markaana muujinaya wax u muuqda in ay yihiin burburka diyaarad laga lahaa dalka Malaysia oo la la’yahay tan iyo sabtigii la soo dhaafay.

Sawirrada oo lagu shaaciyay bar intarneedka ay ku leedahay dowladda Shiinaha, ayaa muujinaya saddex shey oo waaweyn oo dul sabbeynaya badda koonfureed ee Shiinaha.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxyaabo kale oo loo maleeyay in ay yihiin burburka diyaaraddaasi waxa ay noqdeen wax kale.

Howlgal ballaaran

Sawiraddan ayaa la qaaday maalintii axadda ahayd balse waxaa la shaaciyay shalay oo arbaco ahayd.

Waddamada Vietnam iyo Malaysia ayaa diyaarado u diray goobta sawirradaasi laga soo qaaday si ay u soo ogaadaan waxa ay yihiin waxyaabaha halkaasi lagu arkay.

Diyaaraddaasi oo ka soo duushay Kuala Lumpur isla markaana ku sii jeedday magaalada Beijing ayaa jimcihii la soo dhaafay la waayay saacad uun kaddib markii ay hawada gashay.

Ma aysan jirin wax farriin ah oo laga soo diray diyaaraddaasi oo ay saarnaayeen 239 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale.

Share this post

Post Comment