Japan Oo $40 Million Siinaysa Somalia.

xasan-shinzo_abe_1

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Shinzo Abe.

Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiradda Howlaha Guud Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Kadib kulan labo dhinac ah oo ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo xirriirka labada dal ayaa si wada-jir ah shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa ballan-qaaday in Dowladda Japan bixin doonto lacag dhan Afartan Milyan oo Dollar ah ($40 Million)

“Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida Gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Japan sida loogu soo dhoweyay Japan iyo taageerada Dowladda Japan ay la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Ilaa sannadkii ugu dambeyey waxaa jiray mashaariic Dowladda Japan ku bixneysay Soomaaliya haddana sida uu ka dhawaajiyey Ra’iisul wasaaraha Japan ballan qaad ah inay sii kordhiyeen tageeradda Soomaaliya lana wajahayo muhiimadaha koowaad ee Dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Dowladda Japan in laga saacido Soomaaliya mashaariicda horumarinta dalka sida Technology-da, kaluumeysiga iyo dib-udhiska dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa hooygiisa oo ku yaala dhismaha Xafiiskiisa casho sharaf caawa ugu sameeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post