Jilaaga Caanka ee Cali Hiiraan oo Muqdisho maanta Kugeeriyooday.

cali hiiraan

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ku geeriyooday Cali Xasan Aadan (Cali Hiiraan) oo ka mid ah bahda fanka Soomaaliya.

Allaha ha u naxariisto Cali hiiraan ayaa wuxuu kamid ahaa jilayaasha ugu caansan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wuxuu la soo shaqeeyay Idaacado fara badan oo ku yaalla caasimada sidoo kale wuxuu la shaqeeyay Talafishanada af Soomaaliga ku hadla.

Marxuum Cali Hiiraan ayaa u dhintay xanuun in muddo hayay, kaasoo markii dambe uu u galay Isbitaal.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post