Dhibaato ka dhalatay weerarrada AMISOM.

121025140402_somali_army_512x288_reuters_nocredit

Qaramada Midoobay ayaa ka walwalsan in dhaqadhqaaqyadii militeri ee ugu dambeeyay ee AMISOM ay dhalin karaan dhibaato ban’aadanimo oo ka dhaco Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimo ayaa sheegtay in dad kor u dhaafaya 3 milyan ay degan yihiin degaannada la bartilmaameedsaday.

Hay’addu waxay sheegtay in aan lala socon karin xaaladda magaalooyinka qaar ee ay ku dagaalamayaan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya oo garabsanaya iyo Al-Shabaab.

AMISOM ayaa weerar dhowr dhinac ah ka fulisay gobollada dhexe iyo koonfur-galbeed Soomaaliya.

Hawlgalkan dagaal waxaa lagu wadaa inuu si toos ah u saamen doono degmooyin iyo gobollo tiro badan oo ku yaal koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Magaalada Buurdhuubo

Toddobaadkii bishan ugu horreeyay waxaa la qabtay magaalooyinka Rabdhurre, Xuddur iyo Waajid.

Inta badan magaalooyinka waaweyn ee gobolka Bakool waxaa la wareegay ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaali ah marka laga reebo magaalada Tayeeglow iyo tuulooyinka la xiriira.

Magalada Buur Dhuubo ee gobolka Gedo waxaa qabtay ciidan AMISOM oo Itoobiyaan horkacayaan.

AMISOM 

Shabeellada Hoose, AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu waxay u dhaqaaqeen xagga magaalada Qoryooley iyagoo ku sii jeeda magaalada dekedda leh ee Baraawe.

Gobolka Galguduud, ciidammada dowaldda iyo AMISOM waxay gaareen xarunta gobolka ee Dhuusa-marreeb tobankii bishan.

Dhaqdhaqaayadan ciidan ee isa-soo taraya waxay durbadiiba dhaliyeen in dadka rayidka ah ay ka barakacaan goobaha bartilmaameedka noqon kara.

Somalia 

Wararku waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay abaabulayaan dadweynaha ku nool deegaannada ay ka taliyaan inay ka hortagaan hawl galka milateri.

Waxaa lagu qiyaasay saddex milyan oo qof inay ku nool yihiin deegaannadaas.

Baaladda bani’aadanimo ee dagaalka ka dhalatay waxaa ka mid ah baahi dhinacyada: hoyga, biyaha, cuntada iyo adeegyada caafimaadka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post